Shir ku saabsan dhamaystirka Nabadayntii Saax-maygaag iyo Senge-jebiye oo lagu qabanayo Garoowe

Shir ku saabsan dhammaystirka Nabadayntii Saax-maygaag iyo Senge-jebiye ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan ka furmo magaalada Garoowe.

Shirkaan ayaa dhammaystir u ah Gogoshii Nabadaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye taas oo horay loogu qabtay Degaanka Hadhwanaag ee Gobolka Sool islamarkaana ay hormuud u ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Isimada Dhaqanka labada dhinac.

Wejigii kowaad ee Nabadaynta ayaa lagu guulaystay kadib markii dhinacyadu si buuxda u fuliyeen dhammaan Qodobadii ka soo baxay Shirkii Hadhwanaag sida ay sheegtay Puntland.

PUNTLAND POST