Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Afrika

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Bankole Adeoye ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweyne uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka, amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Kulankan waxaa Madaxwayne Farmaajo ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST