Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dad ku dhow u sheegay in uu dhowaan u baxayo safar dibadda ah.
Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayuu sheegay in uu safar kooban ugu baxayo sida ay xaqiijinayaan dad ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynuhu si cad uma sheegin wakhtiga uu safarkaas u baxayo iyo arrimaha uu salka ku hayo midna.
Waxaa xusid mudan in uu Horay dhawr jeer safaro kala duwan oo siyaasadeed ugu tegay dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabka.
PUNTLAND POST