Shir Boosaaso uga socda Madaxweyne Deni iyo Isimada Bari

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimadii gacanta ku hayay xallinta dhibaatadii ka dhacday Boosaaso ayaa shir uga socdaa xarunta Madaxtooyada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa la shirsan Isimo ay kamid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Shirkaas oo albaabadu u xiran yihiin, ayaa sida wararku sheegayaan looga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin Xalllinta Khilaafkii PSF iyo dowladda, ee sababay dagaalladii ka dhacay magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST