
Dowladda Mareykanka ayaa mamnuucday in ay dalkeeda u safraan mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah kuwaas oo ku eedaysan in ay dhibaato ku yihiin hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa shaaciyay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay aheyd in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.
“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu yiri Blinken.
Maraykanka ayaa horay u sheegay in aysan aqbali doonin dib u dhac kale oo ku yimaada Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.