Madaxweyne Deni iyo Isimada Bari oo maanta shir gaar ah ku ballansan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta shir gaar ah ku ballansan Madaxtooyada Boosaaso.

Shirka labada dhinac ayaa ku saabsan arrima ay kamid yihiin xallinta khilaafkii PSF ee sababay dagaalladii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Shirkaas ayaa daba socda kulan hordhac ah oo Khamiistii Boosaaso ku dhexmaray labada dhinac kaas oo Isimadu ku casumeen Madaxweynaha.

PUNTLAND POST