Dhaliil loo jeediyey doorashada Boosaaso

Qaar kamid ah musharaxiinta xildhibaannada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyey doorashada kuraasta taalla Boosaaso.

Musharaxiinta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in hannaanka ay u socoto doorashada Boosaaso ay tahay mid baalmarsan habraacii lagu heshiiyay ee doorasho dadban.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa taageero u muuijiyay isimada gobolka Bari iyo wadahadalka ay Boosaaso kula leeyihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Musharaxiinta ayaa u badnaa wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ka mid yahiin Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid.

PUNTLAND POST