
Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa xalay ka dhacay afaafka laga galo magaalada Qardho ee xigta dhinaca caasimadda Garoowe.
Laba qof ayaa ku geeriyooday shilka halka ay ku dhaawacmeen laba kale sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland Col. Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan).
Taliyaha oo hadal kooban siiyay Puntland Post ayaa sheegay in weli baaritaan lagu hayo shilkaas oo ka dhacay wadada laamiga ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.