Boqor Burhaan oo ka hadlay shirkii isimada iyo Madaxweyne Deni

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka hadlay shir ay maanta Boosaaso ku yeesheen isimadii ku jiray xiisadii PSF iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Boqor Burhaan ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “shir albaabadu u xiran yihiin oo ay wada yeesheen isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacday xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso dhamaadkii sanadkii hore, iyo Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ka qabsoomay isla magaalada Boosaaso kaas oo qaatey saacado badan”.

“Isimada iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa isla qaatey in ay isugu yimaadaan kulan labaad kadib falanqeyn dheer oo laga yeeshay xaaladaha taagan, kulanka labaad oo aan rajeyneyno in uu ku soo dhamaado is-afgarad” ayuu ku daray.

Boqor Burhaan wuxuu xusay in aan kulanka looga hadlin wax ku saabsan kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Boosaaso.

Isimada kulanka la qaatay Madaxweyne Deni ayaa kala ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

PUNTLAND POST