
Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal, oo kaashanaya Hay’adaha Sirdoonka Puntland, ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay Caasimadda Garoowe.
Hawgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laga fuliyay xaafado ka tirsan Caasimadda.
Ciidanka ayaa baritaan ku sameeyay qaar ka mida Hoteelada, Guryaha iyo Gaadiidka dadweynaha, si loo xaqiijiyo Amniga.
War ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu qabtay dad looga shakiyay kooxaha Nabad-diidka, inkastoo aan faahfaahin laga bixin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.