Isimada Gobolka Bari oo aqbalay codsigii Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Siciid Deni ayaa codsaday in uu la kulmo Isimada Gobolka Bari, oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, si loo xalliyo Arrimaha ka jira Boosaaso, gaar ahaanna khilaafkii PSF.

Wararku waxay sheegayaan in Isimadu aqbaleen codsiga Madaxweynaha, islamarkaana ay dhowaan kulmi doonaan labada dhinac.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa habeen hore si gaar ah u codsaday in uu la kulmo Boqor Burhaan Boqor Muuse, inkastoo Boqorku diiday kulankaas, maadaama aysan ku wehelin Isimadii kale.

Madaxweynaha oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gobolka Bari.

PUNTLAND POST