Dhowr bilood ayaa laga joogaa markii maamulka Somaliland uu dad Soomaaliyeed ka soo barakiciyay Laascanood. Madaweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi, wuu qaatay mas’uuliyadda siyaasadeed barikcintii kaddib. Waxaa eed leh oo aan qiran Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo sanadkii 2019kii ku dartay qodobbada wadahalka “isu socodka”, taas oo macnaheedu yahay in dowladdu u aqoonsatay Somaliland dal gaar ah, sidaas darteedna ay dadka Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay fasax uga baahan yihiin dowladda Somaliland si ay ugu noolaadaan dhulkii Biritisku xukumi jiray. Eeda seddexaad waxaa leh maamulka Puntland oo heer federaal metela Laascaanood, kana gaabisay xallinta muran dhuleedka u dhexeeya labada maamul (Somaliland iyo Puntland).
Sababo kale ayaa jira oo ay Puntland eedda barakicintii ka dhacday Laascaanood qeyb ahaan dusha ugu ridanayso: Somaliland ma soo weerarin Laascanood. Waxaa ku biiray siyaasi ka mid ah asaasayaashii Puntland, oo hadda ku sugan Puntland. Waa mid ka ah sababaha ay Beesha Caalamku ugu aragto muran dhuleedka mid u dhexeeya beelihii Puntland hayb tolnimo ku wada samaystay 1998kii. Puntland ma ururin xog sugan oo ku saabsan tirada dadka laga soo barakiciyay Laascanood; hantida ay ka soo barakaceen, waqtiga ay Laascaanood ku noolaayeen. Maamulka Puntland muu gudan waajibka ka saaran inay Beesha Caalamka lala wadaagto baaxadda barakicinta lagula kacay dad Soomaaliyeed oo ku noolaa Laascaanood. Muddo ayay Puntland iska indhatiraysay dhibaatada siyaasadeed ka soo jeedda sida ay u maareyn kari weysay loollankii dhexmaray marxuum Xasan Daahir Afqudhac iyo Axmed Cabdi Xaabsade ka hor inta maamulka Somaliland uusan qabsan Laascaanood.
Isdhigasho Siyaasadeed
Puntland waxay ku dooddaa inay Soomaalida u hindistay hab federaal ka dhowraya ummadda in taladu gacanta u gasho hal maamul oo ku tagrifali kara awoodda siyaasadeed. 21 sano oo uu talis militari ah talada jujuub ku haystay iyo burburkii dowladnimada, kaddib markii ururkii USC ku guuldarreystay inuu jiheeyo talada siyaasadeed, ayaa keentay in habka federaalku noqdo mid aragti ahaan ku salaysan awood-daadejin, laakiin aan noqon mid si dhab ah u hirgalay. Sababuhu way badan yihiin waxaase laga xusi karaa in Puntland ay ku afgobaadsato federaal-jeceyl laakiin ay dadka ku nool degmooyinka Puntland dhibbane u yihiin awood hal meel iyo hal hoggaamiye ku urusan. Taas waxaa dheer in isla-xisaabtan siyaasadeed uu gebi ahaanba ka maqan yahay Puntland: kaabayaasha qaranka waxaa loo maamulaa si u danaynaysa siyaasiyiinta; lacagta ka soo xeroota shatiyada uu maamulka Puntland siiyo maraakiibta sisheeyee waa kuwo ku dhaca jeebabka siyaasiyiinta booli-ku-naaxa ah iyo dallaallada isku xira kalluumaystada shisheeye iyo maamulka Puntland. Waxa keliya oo mar ka hadlay shatiyada noocan ah waa asaasihii Puntland, marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo mar sheegay in lacagtii ka soo xerootay heshiiskii Shirkaddii Hart (laga lahaa Biritayn) lagu shubay qasnadda Puntland.
Puntland waxay isu beddeshay maamul dhowr siyaasi ay ku shaqaystaan, dadka intiisa kale ay ka qatan yihiin adeegyada bulsho oo maamul kasta laga sugayo. Dadku way illooben in barakacyaal ay Puntand sameeyeen qixii 1991kii kaddib. Waxaa xusid mudan in Puntland noqotay meel nabadgelyo awgeed kulmisay Soomaali badan oo kala beelo ah. Horumarka dhaqaale oo ay Puntland gaartay waxaa ugu wacnaa siyaasadda wada noolaanshaha oo ay dadkii soo barakacay ku wada noolaayeen. Puntland waxay aad uga faa’iidday dhowrista xaqa qofka Soomaaliyeed leeyahay si uu ugu noolaado dhulkiisa. Dareenkan asaas wuu u noqon karay hab siyaasadeed ka badbaadin karay Puntland inay gacanta u gasho kooxo ka macaasha colaadda, kala daadsanaanta iyo kala qeybsanaanta haybta beeleed ku salaysan oo uu siyaasiga naasnuujin-ku-noolka ahi ku calanwalleeyo.
Isdhigashada siyaasadeed waxay Puntland maanta gelisay marxalad uu habkii federaalku halis ku jiro. Puntland barkinta siyaasadeed ayay dheereysatay kaddib markii ay isu sheegtay in habka federaalku tisqaaday oo ay guul siyaasadeed aan la loodin karin gaartay.
Ciidammo Beeleed
Dagaalkii Tukuraq (2018kii) wuxuu mar kale tusay maamulka Puntland in muran dhuleedka kala dhexeeya maamulka Somaliland uu wiiqi karo jiritaanka siyaasadeed ee maamul beeleedka siyaasiyiintisii loollamaysay xakamayn waayay ka hor intaysan guuldarrooyin siyaasadeed u keenin Puntland. Dagaalkii Tukaraq wuxuu ku salaysnaa dacwad ay siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed gaarsiyeen Aqalka Wakiillada Somaliland oo cuskaday hal qodob: in Puntland weerarro ku soo qaadday koonfurta Sool iyo Tukaraq. Somaliland diyaar bay u ahayd dagaal dhaca, halka Puntland oo uu Madaxweyne Cabdiweli Gaas hoggaaminyay uu furinta keenay miliishiyo beeleed qaarkood carruur ahaayeen.
Sideedaba Puntland ciidankeedu waxay u badan yihiin hadba beesha ninka Madaxweynaha ka ah. Markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku eedeeyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas in ciidammadiisu kaalin ku lahaayeen dagaalkii Koonfurta Sool, dad badan baa isweyddiiyay sida Cabdiweli colaaddaas kaalin ugu yeelan karay isagoo Gaalkcayo ugu baaqay inay Al-shabaab iska dhiciyaan ama qaxaan. Faroole wuxuu og yahay in qofka Madaxweyne ka noqda Puntland uu mas’uul ka yahay ciidan beeleed badan oo magaca Puntland mushaar ku qaata laakiin ka madaxbannaan taliska ciidammada.
Puntland waxay kaga duwan tahay maamul federaaleedyada kale waa waddada ay qaadday 23 sano ka hor markii ay noqotay maamul beeleedkii ugu horreeyay oo sameeyay nabadsugid loo unkay inay wax ka qabato argagixiso xilligaas jirin. In la sameeyo ciidan ka baxsan dastuurka Puntland si looga faa’iideysto xaalad-abuur siyaasadeed waa gef ay siyaasiyiinta, madaxdhaqameedka iyo wadaaddadu ka aamuuseen. Waxaa nabadsugiddii Puntland ka shidaal-qaatay ururkii la dagaallanka argagixisada oo ay qabqablayaashii Muqdisho dhoodhoobeen 2006dii.
Saameyntii Saaxmeygaag
Isqabasho la’aanta iyo doodis la’aantu waxay Puntland u horseedeen in dadku kala sii irdhoobo, kooxo siyaasadeed ay lunsadaan hantida dadweynaha, ururro xag jir ahi halis ku hayaan nolosha dadka Puntland ku nool. Maantase Puntland waxaa ku soo fool leh caqabado iyo colaado siyaasadeed. Isku-dhicii Saaxmeygaag ku dhexmaray dad dhul isku haystay waxaa ka hadlay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Dhanka Punland waxaa colaaddaas la soo afjaray ka hadlay Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah asaasayaasha Puntland. Waxaa socda dadaal ciidammo beeleed maamulka Somaliland ku geynayo Boocame iyo meeshii uu ahaan jiray xadkii u dhexeeyay Talyaaniga iyo Ingiriiska ka hor 1dii Luulyo 1960kii. Waa hindise muddo socday, kana dhigaya colaadda mid u dhexeysa beelihii Puntland samaystay. Dadka ololahan siyaasadeed ka abaabulay Hargeysa waxay ku doodayaan in Puntland boobtay xuquuqdii siyaasadeed ee Sool iyadoo kaashanaysa koonfurta Soomaaliya (waxay tusaale u soo qaateen heshiiskii 2016kii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ugu oggolaaday Cabdiweli Gaas cuskashada cahdi beleedkii Puntland lagu asaasay, meeshana uu kaga saaray metelaaddii koobneyd oo uu dhaqdhaqaaqii Khaatumo heer federaal ku lahaa kaddib markii 2012kii uu Faroole tanaasul taariikhi ahaa sameeyay).
Way ku adkaanaysaa Puntland inay la dagaallanto ciidan beeleed jooga deegaan ay dhaqan ahaan u degaan. Waa halista ay muddo Puntland xal siyaasadeed u raadin weysay, balse ay ka dooratay inay is illowsiiso iyadoo dan moodday inay Sool u adeegsato aalad siyaasadeed ay wax kaga doonato Muqdisho. Si kale marka loo eego, isdhigashada siyaasadeed ee Puntland waxay bannaanka soo dhigtay guuldarrada habka federaalka: haddii beelihii Puntland wada samaystay uusan heshiis nabadeed dhex oollin, sidee Puntland ugu doodi kartaa in habka federaalku yahay mid ka wanaagsan awood siyaaasadeed oo Muqdisho ku urursan? Habka federaalka ay Puntland muddo u qareemaysay wuxuu u ekeeday mid jiritaankiisa go’aan lagaga gaari doono dhulka hadda loo yaqaan “dhulka lagu muransan yahay”.
Waxaa qoray qof xil sare ka soo qabtay Puntland.