Shir looga hadlayo kor u qaadista maamul wanaaga oo lagu qabtay magaalada Garoowe

Kulan looga hadlayey kor u qaadista maamul-wanaagga iyo in la helo hay’ado dowladeed oo leh hoggaan wanaagsan oo ay agaasintay hay’adda maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa Puntland ayaa maantay ka qabsoomay caasimadda Garoowe.

Shirka waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku xigeenka  labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame,Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Siyaasiyiin iyo culimaa’udiin.

kulanka ayaa lagu gorfeeyay in isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo sarraynta sharcigu ay as’aas u noqdaan dowladnimada, waxaana sidookale hay’addu ku soo bandhigtay qorshe hawleedka 2022 oo ay kamid tahay kormeerista iyo qiimaynta hay’adaha dowladda iyo tababarro ay ka fulisay Puntland.

Agaasimaha hay’adda maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa ayaa kulanka ka sheegay in shirkaan muhiim yahay hannaanka dowlad wanaagga Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashad iyoTacliinta sare ee  Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in diyaar u yihiin in hay’adda kala shaqeeyaan barnaamijka ay soo bandhigtay.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST