
Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Gaariga oo ka baxay magaalada Garoowe kuna sii jeeday dhinaca Boosaaso ayaa rogmaday ka hor inta uusan gaarin tuulada Xaaji Khayr sida ay sheegeen goob-joogayaal.
Gaariga oo ay saarnaayeen saddex nin ayaa sida la xaqiijiyay hal ruux ku geeriyooday halka labadii kalena ku dhaawacmeen.
Saraakiisha Ciidanka Taraafikada Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan sababta keentay shilka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.