
Warar soo baxaya ayaa sheegaya, in aanu weli suurta-gelin Kulan lagu waday in uu dhexmaro Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Madaxweyne Deni, oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa sida la sheegay kulan gaar ah ka codsaday, Boqor Burhaan Boqor Muuse, balse Boqorka ayaa diidma ka muujiyay Kulankaas.
Madaxweynaha ayaa doonayay in isaga iyo Boqorku ka wada-hadlaan arrimaha ku saabsan xallinta khilaafkii ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.
Siciid Deni iyo Boqor Burhaan ayaa horay ugu kulmay Madaxtooyada Garoowe 17-kii July 2020, kulankaas oo ahaa kii u horreeyay ee dhexmara tan iyo Doorashadii Puntland 8 January 2019.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.