Ciidanka Booliiska oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka Puntland ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay caasimadda Garoowe.
Ciidanka ayaa hawlgalka ka fuliyay qaar kamid ah xaafadaha Garoowe islamarkaana baaritaan ku sameeyay guryaha iyo gaadiidka dadweynaha si loo xaqiijiyo Amniga.
War ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu qabtay maandoriyaal iyo dadkii isticmalayay.
Garoowe oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga badan Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ku soo badanayay dadka isticmaala noocyada kala duwan ee maandooriyaha.
PUNTLAND POST