Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya oo baaraysa Heshiiskii Shidaalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa amray in baaris lagu sameeyo Heshiiskii Shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Dr. Suleymaan ayaa sheegay in uu magacaabay Xeer-ilaaliyaal baaris ku sameeya Heshiiska Shidaalka si tallaabada ku habboon looga qaado.

“Waxaan amray, Xeer-ilaaliyayaalna u magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyada laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

PUNTLAND POST