
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu amba-baxay waddanka Jabuuti.
War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarkaas uu qaadan doono maalmo, balse lama faahfaahin waxay ka wada-hadlayaan labada dhinac.
Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyay xubno ka tirsan xukuumaddiisa, oo ay ku jiraan wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.