Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameeyay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in dhowr beri ka hor uu soo dhammaaday heshiiska dib u eegista, kaas oo meesha ka saaraya shirkaddii dekedda maamuleysay ee P&O. Wuxuuna heshiiska cusub dhigayaa in ay dekedda maamusho shirkad cusub oo ay wadaagaan Puntland iyo DP World, taas oo ay 25% leedahay dowladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in shirkadda cusub ee maamuleysa dekedda Boosaaso dhawaan magaceeda la shaacin doona, shaqada larabo in ay qabatana ay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabi doonto.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka jeediyay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar oo uu maanta safar ku maray.
PUNTLAND POST