
Lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabeelle ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan lixdaas kursi oo uu ku jiro La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin.
Fahad ayaa u sharraxan kursiga Hop#086 oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheikh Cabdulqaadir waxaana xusid mudan in Guddiga Dooorashooyinka dadban ee heer Federaal uu amray in la hakiyo kursigaas.
Amniga magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay ciidamo badan ayaa lagu daadiyay waddooyinka waxaa maanta xiran isu socodka dadka iyo gaadiidka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.