La taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Fahad ayaa ka dhacday magaalada Beledweyne, waxayna ahayd mid natiijadeeda lasii ogaa, maadaama kursiga Hop#086 horay loogu xiray.
Kursiga Hop#086 oo ka mid ahaa kuraasta ugu hadal haynta badan doorashada Golaha Shacabka waxaa horey ugu fadhiyay Faarax Sheekh Cabdiqaadir.
Fahad Yaasiin ayaa markii la doortay hadal uu jeediyay kaga hadlay doorashada Soomaaliya, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Doorasho Dadban shuban baa ka horeeya ee haloo dulqaato”.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.