
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka tacsiyeeyay geerida Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Boosaaso.
“ Anniga oo ku hadlaya magaca guddoonka Isimada Gobolka Bari waxaan ka tacsiyeyn geerida Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qarax maalintii Sabtidii ka dhacay magaalada Bosaso, qaraxaas waxaa ku dhaawacmey 10 qof oo kale.”
Boqor Burhaan ayaa sidoo kale ku baaqay in la adkeeyo Nabadda xilli muddooyinkii u dambeeyay qaraxyo ka dhacayeen magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.