Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in la hakiyo Doorashada Beelaha Banaadiriga oo Muqdisho lagu qaban lahaa.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in ay cabasho ka soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.
“Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga” ayuu yiri Rooble
“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.”
PUNTLAND POST