Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in safarkiisa Bari uu la xiriiro kormeerka mashaariic socota iyo arrimo uu u tago magaalada Boosaaso oo uusan faahfaahin, balse la aaminsan yahay in ay ka mid tahay xiisadii PSF iyo doorashada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Puntland oo si gaar ah ula hadlayay reer Qardho wuxuu ugu baaqay in ay wadajir uga shaqeeyaan nabadda, horumarka iyo dowladnimada.
Wafdiga Madaxweyne Deni waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, xildhibaanada cusub ee loo doortay Puntland in ay ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, goleyaasha kala duwan ee dowladda iyo saraakiil madaxtooyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.