Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ayaa howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.
Intii hawlgalku socday waxay ciidamadu burburiyeen sida ay sheegeen Saraakiishii Hogaamineysay goobo ay ku dhumalaysanayeen Al-Shabaab oo ku taala Waraha Buur Qaylo.
Saraakiisha ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas Al-shabaab looga dilay afar xubnood loogana dhaawacay lix kale.
PUNTLAND POST