Faahfaahinta khasaaraha qarax ka dhacay Boosaaso

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay, lix kalena waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay maqaaxi ku taalla Boosaaso.

Qaraxa ayaa sida la sheegayo ka dhacay maqaaxi lagu qayilo oo ku taalla nawaaxiga isgoyska maqaska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Rag shalay taageero u muujiyay xil. Jamaaal Maxamed Xasan ayaa kamid ah dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxa sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo ku soo beegmay xilli uu Boosaaso ku sii jeedo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND POST