Faahfaahin ka soo baxaysa khasaaraha qarax xooggan oo ka dhacay Beledweyne

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa sida wararku sheegayaan ka dhacay maqaaxi lagu magacaabo Xasan Dhiif oo ku dhow xarunta maamulka Gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku sugnaayeen shacab iyo mas’uuliyiin kale duwan.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dhaawacyo badan la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne islamarkaana khasaare xooggan jiro.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas inkastoo Al-shabaab horay weeraro noocaas oo kale ah uga fulisay Beledweyne.

PUNTLAND POST