Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen oo ku baahiyeen boggooda rasmiga ah ee Facebook ku sheegay in ay hakiyeen kursiga tirsigiisu yahay Hop#086, kadib markii cabashooyin ka soo gaareen nabadoonnada iyo odayaasha jifida leh kursiga.
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa faray guddiga doorashooyinka heer Hirshabeelle inay hakiyaan qabashada doorashada kursigan, inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.
Mar kale guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen oo ku baahiyeen boggooda rasmiga ah ee Facebook ku sheegay in warqadii hore ahayd been abuur.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf ka dhexjiro xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal, taasina ay sababtay in ay kala hadlaan.
Kursiga Hop#086 oo ka mid ah kuraasta ugu hadal haynta badan doorashada Golaha Shacabka ayaa loo xiray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo caawa markii ugu horreysay inta uu ku jiray siyaasadda faafiyay sawirkiisa. Kursiga Hop#086 waxaa horay ugu fadhiyay Faarax Sheekh Cabdiqaadir.
Lix kursi oo ka mid yahay kursigan ayaa doorashadoodu qorsheysnayd in ay Beledweyne ka dhacdo maalinta axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 20/02/2022.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.