Wasiir Dhabancad oo go’aan ka soo saaray cabashooyin ka jira bogcadaha dhulka

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa go’aan ka soo saaray cabashooyinka la xiriira dhulka loo yaqaan danta guud ee laga jaro bogcadaha dadweynaha.

Wasiir Dhabancad ayaa go’aamiyay in ilaa iyo amar dambe aan dhul dan-guud laga jari karin bogcadaha shacabka kadib markii cabashooyin ka yimaadeen.

Go’aankaas ayaa khuseeya dhammaam degmooyinka Puntland.

PUNTLAND POST