Gavin Williamson oo yimid Hargeysa, lana kulmay Muuse Biixi

Magaalada Hargeysa waxaa maanta yimid wafdi uu hoggaaminayay Gavin Williamson oo dhowaan su’aalo ka soo jeediyay baarlamaanka Biritayn, isagoo u doodayay aqoonsiga maamulka Somaliland.

Madaxweymaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay Gavin Williamson iyo wafdiga uu hoggaaminayay, wuxuuna uga mahadceliyay doodii qadiyadda Somaliland ee uu geeyay baarlamaanka Biritayn, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sanadkii 2019kii ayuu Gavin Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi Cabdi, kulankaas oo uu ku tilmaamay mid u dhexeeyay “labada dal”.

Safiirkii Biritayn u joogay Soomaaliya Ben Fender ayaa dacweeyay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda Biritayn una sheegay in Gavin ku xadgudbay siyaasadda Biritayn oo ah mid taageersan midnimada siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya.

Gavin wuu tirtiray farriinta uu Twitter ku qoray si uu u taageero sheegashada maamulka Somaliland. Gavin waxaa loo beddelay Wasaaradda Waxbarashada ka hor inta aan shaqada laga eryin. Hadda Gavin Waa xildhibaan aan xil hayin oo kuraasta dambe fadhiya.

PUNTLAND POST