Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Galmudug ayaa shaaciyay 11 kursi oo ka mid ah kuraasta lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo.
Qoraal ay soo saareen Guddigaas ayaa lagu soo bandhigay Liiska 11-kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka ee Degaan Doorashada labaad (Gaalkacyo).
11 kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah kursiga #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, waxaana tartanka kursigan uu ka mid yahay kuraasta sida weyn isha loogu haayo oo tartankiisa ka dhaxeeyo Odowaa Wasiirka Ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo saaraan jadawlka Doorashada kuraastan la shaaciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.