Dr. Maxamed Cabdiqaadir Yuusuf ayaa ka mid ah musharaxiinta u tartamaya kursiga Hop#157 oo laga soo doorto degmada Dhahar.
Musharax Dr. Maxamed Cabdiqaadir ayaa in muddo ah ka mid ahaa dadka u adeega danta guud ee mujtamaca, wuxuuna kaalin mug leh ka soo qaatay hawlaha arrimaha bulshada iyo horumarintooda ee degmmada Dhahar iyo deegaannada hoose yimaada.
Dr. Maxamed oo la soo xiriiray Puntlnd Post ayaa sheegay in musharraxnimadiisa ay timid kadib markii uu arkay baahida bulshadu u qabto matalaad dhab ah, wuxuuna ballanqaaday hadii uu ku guuleysto kursiga in uu wax ka qaban doono arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo horumarinta jidadka.
Sidoo kale musharaxa ayaa tilmaamay in uu rumaysan yahay ujeedadiisuna tahay sidii uu gacan uga geysan lahaa in is-bedel siyaasadeed oo dhab ah lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka, kaasoo ku imanaya wacyi gelinta dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna lagu dhisayo fikradahooda iyo dhaqankooda.
Kursiga Hop#157 ayaa ka mid ah 16 kursi ee taalla deegaan doorashada labaad Puntland ee Boosaaso.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.