Doorashada kuraasta Banaadiriga oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka doorashooyinka Xildhibaanada Banaadiriga ayaa xalay shaaciyay Jadwalka doorashada shanta (5) kursi ee Banaadirigu ku leeyihiin Golaha Shacabka Baarlamaana Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Banaadiriga ayaa lagu sheegay in qabashada ergada iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ay bilaabaneyso 20-ka bishaan Febraayo 2022.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee shanta kursi ee Banaadiriga ay dhaceyso 21-ka Febraayo.

PUNTLAND POST