Qaybta Todobaad: Fursadihii iyo Caqabadihii Dawladdii Cabdiweli Gaas (2014-2018)

W.Q: Axmed Siciid Nuur

Nur.Ahsnur77@gmail.com

Taxanaheenii asbuucii hore waxaynu kaga soo hadalnay arrimo ku saabsan dhismihii dawladdii Cabdiraxmaan Faroole iyo qaabkay ahayd, wasaaradihii uu soo kordhiyey iyo tirada wasaaradaha oo aad u kordhay, dhismihii iyo horumarintii wasaraadaha dawladda oo sii kobcay, sicir bararkii oo la xakameeyey, dhibkii burcad badeedka oo sii jiray, arrimihii sahaminta iyo soo saarista khayraadka oo la sii waday. Asaaskii ciidanka PMPF ee la dagaalanka burcad badeedka, khilaafkii dhexmaray Madaxweyne Faroole iyo Cismaan Cabdullaahi oo Diyaano ku magac dheeraa iyo sidii loo maareeyey, dagaalkii Al-shabaab iyo dawladdii xiligaas, dilalkii qorshaysnaa ee ugu badnaa oo abid ka dhacay Puntland baynu iyagana soo xusnay, xoogaysigii iyo hanaqaadkii kooxda Aaran Jaan baynu ka soo hadalnay. Ansixintii dastuurka Puntland iyo isku daygii ugu horeeyey ee qof iyo cod oo fashilmay iyo sababihii keenay baynu ka soo hadalnay, wada shaqayntii aan fiicnayn ee dawladdii Cabdiraxmaan Faroole iyo xukuumaddii federaalka ku meelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif hogaaminayey baynu iyadana soo xusnay, shirarki Garowe 1 iyo Garowe 2 iyo ugu damayntii doorashadii uu qabtay Cabdiraxmaan Faroole hase yeeshee uu Cabdiweli Cali Gaas Madaxweyne Puntland ku guulaystay baynu ku soo kufinay, doorashadaas oo aynu ku sifaynay middii ugu lacag bixin badnayd isla markaasna ahayd marka uu fasahaadka lacag bixinta doorashada la xiriiraa uu bilawday.

Qormada todobaadkan waxaynu ku qaadaa-dhigaynaa dawladdii uu dhisay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaabkeedii, tiradda wasiiradda iyo wasaaradaha oo la mid ahayd ama wax yar ka badnayd tii Cabdiraxmaan Faroole, horumarintii iyo dhismihii wasaaradaha Puntland oo halkii laga sii waday. Xagga siyaasadda khilaafkii dawladda federaaalka iyo Puntland oo sii xoogaystay iyo arrimo kale oo xagga horumarinta siyaasada ku saabsan baynu xusi doonaa, barnaamijkii qof iyo cod oo aan la isu kala bixin xiligaas baynu taaban doonaa. Xagga arrimaha dhaqaalaha heshiiska shirkadda Imaaraatka oo dekedda Boosaaso loogu wareejiyey baynu ka hadli doonaa. Fulintii mashaariicdii garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garowe iyo bilawgii dhismaha dekedda Garacad baynu xusi doonaa. Lacagtii faalsadda shilinka Soomaaliga oo la daabacay xiligii Madaxweyne Gaas baynu taaban doonaa.
Xagga arrimaha ammaanka heshiiskii shirkadda PMPF oo halkii ka sii socday baynu xusi doonaa, duullaankii Al-shabaab ee xeebaha Garacad iyo Eyl baynu ka hadli doonaa, khillaafkii ka dhashay guddoomiyihii Gobolka Bari ee xiligaas iyo taliyihii ciidanka sirdoonka markii xilalka laga qaaday baynu xusi doonaa. Ugu damayntii waxaynu ku soo kufin doonaa doorashadii uuu qalqaaliyey Madaxweyne Gaas oo natiijadeedii noqotay in Madaxweyne loo doorto Madaxweyne Deni Janaayo 8-2019.

Cabdiweli Cali Gaas waa nin aqoonyahan ah oo shahaadada heerka saddexaad ku diyaariyey cilmiga dhaqaalaha, waa aqoon yahan leh aqoon aad u saraysa oo la xiriirta cilmiga dhaqaalaha iyo maamulka dawliga ah, intii uusan Madaxweynaha Puntland noqon wuxuu wasiir iyo Ra’iisul Wasaare ka soo noqday dawalddii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya sanadkii 2011-2012, isagoo ku dadaalay isaga iyo Madaxweynihii xiligaas Mudane Sheekh Shariif in markii ugu horraysay shirweyne lagu qabto Xamar dastuur lagu ansixiyo isla markaasna madaxweyne lagu doorto. Hase yeeshee dadka hogaamintiisa dhaliila waxay sheegaan inuu yahay nin dabacsan, khilaaf neceb isla markaasna aan fool adkayn oo neceb khilaafka iyo dhibka (zero conflict). Waxaase dad badani sheegaan inuu yahay nin leh dulqaad siyaasadeed oo u dulqaata dadka mucaarada ama wax ka sheega maamulkiisa.

Dad badan ayaa rajo fiican ka qabay in haddii uu Puntland hogaanka u qabto uu isbedel la taaban karo u horseedi doono. Hase yeeshee taasu sidii laga filaayey uma dhicin. Dadka hogaamintiisa dhaliilaa waxay kaloo sheegaan inuu yahay qof go’aamo isbed bedel badan leh sameeya, sidaas darteed wax kasta oo markii hore u qorshaysnaaba markuu arkay dhibka meesha yaal iyo sida dadku u fekerayaan ayuu go, aansaday inuu dadkiisa dhinac ka raaco dantiisana ku dadaalo. Hase yeeshee waxaa xaqiiq ah inuu ahaa intii uu xukunka hayey madaxweyne dulqaad badan dadka aan ka xirxirnayn shacabkuna arki jireen markii ay u baahdaan inay la kulmaan.

Madaxweyne Cabdiweli markii la doortayba wuxuu dhisay dawlad tiro badan oo wax yar ka badan middii Madaxweyne Faroole dhisay, ma jirin wax wasaaraddo cusub ah oo uu soo kordhiyey dhamaan wasaaradaha uu magcaabay waxay ahaayeen kuwo jiray oo ay sameeyeen dawladihii ka horeeyey. Malaha wax harsanaa in la soo kordhiyoba ma jirin. Horumarintii iyo dhismihii wasaaradaha ayaa halkii laga sii waday. Waxaa jirtay in madaxweyne Cabdiweli uu kor u qaaday awooddii xildhibaanada taladoodana uu aad u qaadan jiray halka uu u arkaayey wasiiraddu inay yihiin shakhsiyaad isagu uu magacaabay markii uu doonana uu eryi karo hase yeeshee xildhibaanku uu yahay qof shacab matela oo miisaankiisa leh, dad badan ayaa ku dhaliila inuu hoos u dhigay maqaamkii wasiiradda Puntland ay ku lahaan jireen xagga siyaasadda iyo doorkoodii intaba isla markaasna uu xoojiyey kaalintii xildhibaanka ee dhinaca matelaada siyaasadda.

Khilaafkii u dhexeeyey dawladda federaalka iyo Puntland oo soo bilawday xiligii Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynaha ahaa ayaa halkii ka sii socday khilaafkaas oo marar badan gaaray halkii ugu xumaa illaa heer dawladda Puntland ay calaaqaadka u jarto dawladdii federaalka ahayd oo markaas uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hogaaminayey, hadana mar walba xiriirku waa soo laabanayey taas oo ay sabab u ahayd go’aanadda isbedelka badan oo Madaxweyne Gaas uu caanka ku ahaa, mar waxaa jirtay la isku khilaafay arrinka 4.5 oo Puntland diiday in doorshada lagu galo , Madaxweyne Gaas isagoo ka khudbaynaya xaflad loogu qabtay cariga Maraykanka oo uu markaas socdaal ku maraayey ayuu sheegay in xitaa haddii uuu Baankii Muun uu yimaado uusan aqbali doonin arrinka 4,5 hase yeeshee markii dame wafdi ka socday IGAD ayaa Madaxweyne Gaas ku qanciyey inuu ka tanaasulo mawqifkiisii Soomaaliyana aysan mar dame nidaamkaas ku noqon doonin. Madaxweyne Gaas waa ka noqday go’aankiisii hase yeeshee weli nidaamkii waa socdaa oo qaybtaas ayaa Soomaalidu wax ku qaybsanaysaa illaa hadda waana arrin nasiib daro ah.

Xagga arrimaha horumarinta siyaasadda iyo siyaasadda loo dhan yahay xilligii Madaxweyne Gaas wax weyn lagama qaban marka laga reebo guddigii doorashooyinka oo uu magacaabay iyo xeerkii doorashada oo ay dib u eegis ku sameeyeen waqtigii wuxuu ka dhamaaday iyadoo aan arrinkaas waxba laga qaban arrintaasu waxay ka mid ahayd waxyaalaha dad badani ka filayeen madaxweyne Gaas inuu waxka qaban doono hase yeeshee aan suurta gelin.

Waxyaalaha horumarka ah oo aad loogu xasuusto dawladdii Gaas waxay ahayd fulintii laba mashruuc oo muhiim u ahaa Puntland kuwaas oo dawladihii isaga ka horeeyey ay qorshayntooda soo bilaabeen labadaas mashruuc oo kala ahaa labada garoon diyaaradeed ee Garowe iyo Boosaaso. Labadaas mashruuc waxaa la dhamaystiray fulintooda isla markaasna daaha laga rogay xilligii Madaxweyne Gaas hase yeeshee sidaan qormooyinkii hore ku xusnay qorshahoodu labadii dawladood oo ka horeeyey buu soo bilawday. Mashruuca wadada Ceel-Daahir—Ceerigaabo ayaa ahaa hindise mashruuc oo uu fikirkiisa iyo bilawgiisa lahaa Madaxweyne Gaas mashruucaas oo filintiisu illaa hadda socoto oo dawladda Deni ay weli gacanta ku hayso.

Waxaa xusid mudan in markii la furaayey garoonka diyaaradaha Garowe xafladdii furintaanka ay goobtii xafladda hadalo isku waydaarsadeen Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Gaas kuwaasoo mid kastaaba uu sheeganaayo libinta mashruucaas, Faroole ayaa meesha ka sheegay inuu isagu yahay awal iyo aakhir ninkii mashruucaas keenay sidaas darteed ay tahay in isaga ammaanta mashuurca (Credit) la siiyo halka Madaxweyne Gaas uu ku maahmaahay “caano ninkii soo lisay la yaqaan ninkii doonaa ha sheegto”. Muranka labadaas oday wuxuu muujinaayey aragtida siyaasiga Soomaaliga ah oo ku saabsan inuu yiraahdo waxna igama horayn waxna igama damayn anigaa waxaas bilaabay anigaana dhameeyey halka ay ilowsan yihiin dawladnimadu inay tahay qori isu dhiib iyo bulukeeti la isa saar-saarayo. Isku soo duudooboo dawladdii Gaas waxaa lagu xasuustaa in fulisay dhowr mashruuc oo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin labada garoon diyaaradeed ee Boosaaso iyo Garowe, wadada Ceel-daahir—Ceerigaabo iyo bilaabista dekedda Garacad ee badweynta Hindiya laga bilaabay.

Wareejintii dekeda Boosaaso lagu wareejiyey shirkad Imaaraat ah ayaa iyaduna ahayd taariikh aan la ilaawi karin, heshiiskaas wuxuu sababay laba arrimood oo buuq dhaliyey midda kowaad waxay ahayd baarlamaankii xiligaas oo dawladdii riday ka dib markii heshiiskaas ay soo gashay arrinkaas oo lagu sifeeyo inuu ahaa ruxruxasho iyo gorgortan xubnaha baarlamaanku ay rabaan inay dawladda iyo Madaxweynaha ku khasbaan in lacagta shirkadda Imaaraatka laga soo qaaday ay saamigooda ka helaan, wada hadal hoose oo madaxwweynaha iyo xubnaha baarlamaanku yeesheen iyo ogolaansho wixii ay doonayeen ayaa sababay in baarlamaanku mar labaad u codeeyo kalsoonidana siiyo isla xubnihii dawladda oo ay shalay codka kalsoonidda ku rideen. Arrinkaas waa mid ku suntan taariikhda dawladnimada Puntland oo dhacday xiligaas. Arrinta labaad ayaa ahayd buuq ka dhacay magaaladda Boosaaso oo ganacsatadu ku lug lahayd kuwaa soo ka horyimi heshiiska gaar ahaan tarriifada heshiiska ku qornayd oo ay ka cawdeen arrinkaasu wuxuu sababay in maalmo dekedu xirnaato isla markaasna mudaharaadyo ka dhacaan magaalada loo malaynayo inay ganacsatadu ka dameeyeen iyo dad siyaasad ahaan dawaladda uga soo horjeeda oo ku lug darsaday. Muddo haddii buuqaasu socday dekediina aysan shaqayn ayaa arrinkii waxaa soo dhexgalay isimo kuwaas oo go’aamiyey in tariifaddii heshiiska la dhimo, go,’aankaas oo isimadii iyo dawalduba si buuxda ku aqbaleen.

Daabacaadii lacagta shilin Soomaaliga ayaa iyaduna arrin mudan in la xuso lacagtaas oo si qarsoodi ah ay dawladdu ugu daabici jirtay Bangiga magaalada Boosaaso, runtii waxay ahayd arrin qof dhaqaale yahan ah oo bartay cilmiga dhaqaalaha aan laga fileyn inuu sidaas yeelo maadaama ay ka mid tahay mabaadii’da cilmiga dhaqaalaha in markii dawladu daabacdo lacag badan uu sicirku kor u kacaayo. Hase yeeshee waxaa xaqiiq ah in lacagataas daabacaadeeda ay dawladdu ku lug lahayd balse dawladdu diiday inay qirato. Mar baa jirtay uu nin xildhibaan ahi jeebka ka soo baxshay boqol kun oo shilin oo ka mid ah lacagtaas iyadoo baarlamaanka la fadhiyo madaxweynuhuna joogo isla markaasna uu waydiiyey madaxweynaha su’aal ku saabsan lacgataas inay dawladdu daabacday haddise ay daabacday sababta ay baarlamaanka uga warbixin weyday. Madaxweyne Gaas wuxuu ugu jawaabay xildhibaankii “arrintaasu waa nin sheega ma dhaafto adigaan kugu arkaynaa hadda ee sheeg meesha aad ka keentay anagu ma ogine” arrinkaas nin sheega ma dhaafto waxay noqotay sheeko lagu qoslay aadna loola yaabay dadku dhamaantood.

Xagga arrimaha ammaanka caqabado badan ayaa jiray oo soo wajahay dawladdi Cabdiweli Gaas waxaa ugu weynaa duulaankii Al-shabaab ku soo qaadeen xeebaha Garacad iyo Eyl iyadoo markaas Madaxweynuhu uu dalka dibadiisa ku maqan yahay, halkaas waxaa ka dhacay dagaal ay shacabka iyo dawladdu ka qayb qaateen dagaalkaas oo lagu khasbay dagaalamayaashii Al-shabaab wixii la qabtay mooyee intii kale inay naftooda la baxsdaan. Sidoo kale waxaa jiray duullaankii ay Somaliland ku qabsatay deegaanka Tukaraq oo shacab iyo dawladba aad looga qayb qaatay hase yeeshee aan wax guul ah laga gaarin inkasta oo dhowr dagaal halkaas ka dhaceen. Arrinta sadexaad ayaa ahayd khilaaf ka dhashay xilka qaadistii Guddoomniyihii Gobolka Bari oo hadda ah Wasiirka Amniga ee dawladda Siciid Deni, xilka qaadistaas oo ka dib markii uu diiday inuu xilka wareejiyo sababtay in israsaasayn ka dhacdo magaalada Boosaaso oo lagu weeraro halkii uu deganaa hase yeeshee ay dawladu ku guuldaraysatay inay soo xirto arrinkaaas oo isna sababay in dad aan waxba galabsan si aano ah loogu dilo magaaladda Boosaaso arrinkaasu markii dame wuxuu gaaray in Guddoomiye Gallan uu ciidamo ku arruursado meelo ka mid ah gobolka Bari hase yeeshee dawladdu dagaal kuma qaadin arrinkaasna markii dame si nabadgelyo ah baa lagu xaliyey laguna dhamaystiray.

Arrinka labaad oo xilka qaadista ahaa hase yeeshee sababay khilaafka wuxuu ahaa xilka qaadistii uu madaxweynuhu ku sameeyey Cabdi Yare oo markaas ahaa taliyaha nabadsugida Puntland, arrinkaas waxaa isna ka carooday oo ka godooday Muxyadiin Axmed Muuse oo ahaa taliye xigeenka Booliska oo la saftay Cabdi Yare buuq badan ayaa halkaas ka dhshay, kaas oo sababay in dawladdu ciidamo u dirto ciidamadaas gadooday hase yeeshee muddo ka dib arrinkaas isagana nabad baa lagu xaliyey mana jirin wax dagaal dame ah oo dhexmaray dawladda iyo ciidamadaas gadooday hubkii ay haysteena waxaa loo ogolaaday inay guryahooda ku haystaan sidaas baana hawshaasu ku dhamaatay.

Kooxda Aaran Jaan saamayn toos ah kuma lahayn dawladdii Gaas hase yeeshee waxaa la sheegaa inay danahooda ka fushan jireen iyagoo sii dhexmaraya rag ay saaxiibo ahaayeen oo markaas Madaxweyne Gaas aad ugu dhowaa oo la talin jiray, dhinaca kale waxaa la sheegaa inay mucaaradad badan ku haayeen dawladdii Gaas sida isaguba uu buugiisa ku qoray, khilaafkii ka dhacay saraakiishii gadooday ayaa lagu xantaa inay baansiin ku sii shubeen iyagoo dawladda ku xumaynaya, sidoo kale arrintii Gallan oo Boosaaso ka dhacday oo aynu kor ku soo xusnay ayaa la sheegaa iyadana inay si dadban ugu lug lahaayeen iyagoo kaashanaya rag ay saaxiibo yihiin. Ugu damayntii waxaa jirtay in mucaaradaddii ugu badnayd uu Madaxweyne Gaas kala kulmay Madaxweyne Faroole iyo kooxda Aaran Jaan.

Markii waqtigii soo dhowaaday barnaamijkii qof iyo codna aan la isu kala bixin lana dhaqaajin waayey ayuu Madaxweyne Gaas magacaabay guddi doorasho oo ka shaqeeya anisixnta xubnaha baarlamaanka ee qabaa’ilku soo xulanayaan iyo xalinta khailaafaadka la xiriira arrintaas. Guddidaas uu Madaxweyne Gaas uu magacaabay waxaa jiray rag dhowr ah oo kooxda Aaaran Jaan xiriir la lahaa lagana yaabo inay iyagu ay si dadban uga dhameeyeen madaxweynahu inuu magacaabo, guddidaasu waa halka araxda ka jebisay madaxweyne Gaas sababtayna inuu ku guuldaraysto doorashadii uu qabtay halka madaxeynayaashii ka horreeyey dirqi looga adkaan jiray ama kaalinta labaad ay geli jireen isagu kaalinta afraad buu ciriirsaday guuladardaas waxaa loo aanaynayaa guddidii isagu uu magacawday oo badankoodu rag kale u shaqaynayeen isagana ay dadkii taageersanaa meesha ka saarayeen. Kooxda Aaran Jaan ayaa si doqon ma garato ah hawshaas uga shaqaystay kana faa’iiday oo Deni ku soo saaray.

Doorashaddii waa la qabtay Janaayo 8-2019, waxaana wareega saddexaad isugu soo haray Siciid Deni iyo Asad Diyaano oo kala helay 34 cod iyo 31 cod sida ay u kala horeeyaan. Doorashadaas ayaa la sheegaa inay tahay iyaduna middii ugu musuqmaasuqa badnayd oo lacag badani ay ku baxday sidii tii ka horaysay oo la qabtay janaayo 8-2014, labadaas doorasho waxay ahaayeen kuwii ugu musuqa iyo lacag bixinta badnaa waana boog ku taal taariikhda dawladnimada ee Puntland. Madaxweyne Gaas oo isaga ruuxiisu lacag bixinayey ayaa doorashadaas ka helay 8 cod keliya kuna haray wareegii kowaad ee doorashada.

Maalmo ka bacdi ayuu Madaxweyne Gaas uu xilkii ku wareejiyey Madaxweyne Deni, xilwareejintaas oo si fiican oo qurux badan u dhacday ayaa Madaxweyne Deni uu xilkii kula wareegay illaa maantana uu yahay madaxweynaha Puntland oo muddo labo sano ah xilkiisii uu ka harsan yahay.

Hadaba maxaynu ka baran karnaa taariikhdaas kooban oo aynu ka soo hadalnay? Waxaan is leeyahay waxaa ugu muhiimsan oo aan ka baran karnaa: –

1. In aqoonta iyo shahaado sare oo aad sidato keliya aysan ku filnayn inaad noqoto hogaamiye isbedel horseedi kara (transformational leader) laakiin ay jiraan arrimo kale oo loo baahan yahay.

2. In shaqada dawladdu tahay qori isu-dhiib qorshe ay dawladi bilawday waxaa hirgeliya dawladda ka damaysa sidaas darteed waa ammaan (credit) la wadaago laakiin waxaa nasiib daro ah marka la yiraahdo wax walba anaa bilaabay anigaa dhameeyey cidi igama horayn igamana damayn oo rag odayaal ah meel xaflad weyn ah hadalo isku tuurtuuraan.

3. In Madaxeyne Gaas uu ahaa nin dulqaad badan isla markaasna khilaafyadii amni iyo siyasadeed oo soo wajahay uusan dagaal iyo iska hor-imaad ku xallin.

4. In lacag aad bixiso xiliga doorashada aysan ku filnayn in laguugu doorto balse ay jiraan arrimno kale oo dadka wax doortaa tixgeliyaan.

5. In khilaafka u dhexeeya dawladda federaalka iyo Puntland uu soo bilawday xilliggi Faroole sii xoogaystay xiligii Cabdiweli laakiin uu oodda jabsaday xilliga Deni arrintaas oo aynu qoramadeena soo socota kaga hadli doono.

La soco todobaadka dame oo aynu ku qaadaa-dhigi doona fursadaha iyo caqabadaha dawladda hadda jirta ee Madaxweyne Siciid Denim

Waxaa qoray: Axmed Siciid Nuur

Ahsnur77@gmail.com

Cell phone: 0907797081