
Dowladda Puntland ayaa awaamiir ka soo saartay wadista noocyada kala duwan ee gaadiidka, oo ay ku jirto mooto bajaajta.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada waddooyinka Puntland G/sare, Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan) oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in dowladdu awaamiir ka soo saartay wadista gaadiidka, si loo ilaaliyo nafta iyo maalka dadweynaha.
Taliye Afrikaan ayaa sheegay in hadda kadib imtixaan laga qaadi doono qof kasta oo doonaya wadista noocyada kala duwan ee gaadiidka, islamarkaana baaritaan lagu samayn doono caafimaadkiisa, si loo hubiyo in uu shaqadaas gudan karo.
Intaas kadib ayuu sheegay in qofka la siin doono leysinka gaadiid wadista, haddii uu ka gudbo shuruudaha horyaalla, oo ay ku jirto in da’diisu aysan ka yarayn 18 sano.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.