Puntland: Loollanka kursiga Hop#169 ee laga soo doorto degmada Dhahar

Guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer Puntland ayaa maanta shaaciyay dhammaan 16-ka kursi ee lagu dooranayo Boosaaso.

Weli lama dhejin jadwalka rasmiga ah ee Kuraasta la shaaciyay, balse guddiga ayaa xusay in ay dib ka sheegi doonaan jadwalkaas.

Hop#169 oo laga soo doorto degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, waa kan ugu adag kuraasta lagu doonayo magaalada Boosaaso, islamarkaana ugu hadal-haynta badan.

Kursigaas waxa horay ugu fadhiyay Xil. Jamaal Maxamed Xasan oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya haatana doonaya in dib loogu doorto.

Jamaal ayaa isla maanta gaaray Boosaaso, halkaas oo durba laga dareemay ololihiis ku jihaysan dib u doorashada.

Xil. Jamaal ayaa loollan adag kala kulmi doona Cali Mahdi Maxamed Cali ( Qalato) oo kula tartamaya kursiga, inkastoo aan weli saadaal laga bixin karin midka guulaysan doona.

Jamaal ayaa sidoo kale khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saamayn xooggan ku leh doorashada socota.

PUNTLAND POST