Dowladda Somalia oo Ku Dhawaaqday in Lasoo Afjaray Howlgalkii Burcad-Badeeda

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arintan ayaa noqotey mashruuc la buun buuniyay oo Dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase ahaa tee maanta oo taariikhdu 15 February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaanba la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaasanaa muddada dheer.

Shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka” ayuu yiri Danjire Abuukar Baale.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaa Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog.

PUNTLAND POST