Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Boqortooyada Sucuudiga kala hadashay dib u furista dhoofka xoolaha Soomaaliya oo muddo hakad ku jiray.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa maanta shir kula yeeshay xarunta safaaradda Sucuudiga ee Muqdisho danjiraha Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Almuwalad, waxayna ka wadahadleen labada mas’uul sidii Sucuudigu dib ugu furi lahaa dhoofka xoolaha Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saabsan dhinacyada ganacsiga xoolaha iyo wax wada qabsiga labada dal, isla markaana ay dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato.
Dhankiisa danjire Axmed Bin Maxamed Almuwalad ayaa soo dhoweeyey in dib loo bilaabo dhoofka xoolaha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u bilaabi doonaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.