Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo sannadkii 2019 Muqdisho ku dilay marxuum, Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa dareewal Mooto Bajaaj.
Maxkamadda ayaa doodo dheer ka dib maanta go’aan ka soo saartay dacwadda loo haysto eedeysanaha, iyadoo Xasan Maxamuud Dhiblaawe ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum, Maxamed Cawil Jaamac.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.
PUNTLAND POST