Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay kulan uu xalay la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Saadaq Cumar (John) iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in kulankaasi ahaa mid aan la sii qorsheyn oo uu xilli dambe codsaday Madaxweynaha Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu tilmaamay in kulanka looga hadlay dhib uu ka tirsanayay Saadaq John iyo Cabdullaahi Kulane, lagana gaaray is fahan iyo heshiis billow ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xalay xilli danbe iskugu kaaya keenay Saadaq Cumar (John) iyo C/llaahi Aadan Kulane oo labadu xildhibaanno uga soo baxay Galmudug. Kulanka oo aan la sii qorshaynin ayuu madaxweyne QoorQoor codsaday in aan ka wada hadalno dhib guud iyo mid gaar ah oo horay innoo dhexyaallay. Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay.

Horay ayaan dad dhib noo gaystay u cafinay, sababtoo ah siyaaddeena ka aargudasho iyo kala adkaansho ka mid maaha, laakiin marna caddaalada ka tegi mayno.

Qofka wixii dhib loo gaysto waa cafin karaa, goorta uu doono, gaar ahaan marka loogu soo geed fariisto. Tani maaha mid ka hor joogaysanaysa ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qofkii dhibane kale ah inuu cadaalad helo ama raadsado.

Siyaasi walba waxaa maxkamad bulsho u ah sooyaalkiisa dadku wada hayaan, isagayna dan u tahay inuu ka garaabo, gafkiisana cafis uga raadsado qof kasta oo wax ka tabanaysa. Haddii dalku yeesho maxkamado macno leh waxay innoo xallin doonaan waxyaalo badan mustaqbalka waana mid ah yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa.