Maanta (15ka Febraayo, 2022) waxay ku beegan tahay maalintii New York ay heshiiska ku gaareen laba garab oo ka kala socday Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Warkii fiidnimo ee BBCda (14kii February, 1991kii) waxaan dhegeystay anigoo shaah ka cabayay maqaayad ku tiil degmada Cadaado. Waxaan u socday Boosaaso. Caabudwaaq ayaa loo mari jiray waayo waddada Gaalkacyo way xirnayd.
Heshiiska labada garab wuxuu abuuray rajo in dagaalkii dhowrka bilood socday uu istaago, waana lagu guuleystay ilaa xad. Kaddib markii Dekedda Muqdisho ay xirantay dagaalka sokeeyee awgiis ayay ganacsatada Soomaaliyeed fureen isu socodka iyo xiriirka ganacsi u dhexeeya Caabudwaaq iyo Cadaado. Ganacsiga Caabudwaaq ka billowday waxaa aad uga faa’iiday ganacsatada ku nool Bari, Nugaal, Togdheer iyo Sool. Wax colaad ihi kama jirin waddada u dhexeysa Matabaan iyo Cadaado. Colaaddii Muqdisho ka socotay uun bay dadku ka hadlayeen. Ganacsatada Soomaaliyeed waxay la iman lahaayeen aragtiyo saameynta colaadda yarayn lahaa haddii talada siyaasadeed wax laga siin lahaa goor hore.

Soddon sano kaddib maxaa isbeddelay Soomaaliya? Wax badan, hase ahaatee siyaabaha loo eegi karo isbeddelada dhacay waxaa ka mid ah isbeddelka faceed: 30 sano wiilka dhashay ama gabarta dhalatay waa soddon-jir hadda. Soddon jirka maanta wax waayo-aragnimo dowladeed lama wadaago soddon-jirkii 1992kii ku sugnaa ama ka qaxay Soomaaliya, oo maanta lixdan-jir ah.
Qofkii 1992kii lixdan jir ahaa iyo qofkii soddon-jir ahaa waxay wadagaan ugu yaraan dhowr iyo labataan sano oo ay ku hoos noolaayeen dowlad rayid ah iyo mid militari oo dalkoo dhan ka taliyay. Soddon-jirka maanta marnaba muu arkin dolwad Soomaaliyeed oo dalka oo dhan ka talisa. Wuxuu arkaa: gobollada iyo dekedaha Soomaaliyeed oo ay beelo sheeganayaan inay leeyihiin; dad Soomaaliyeed oo guryahooda laga barakiciyay; dad Soomaaliyeed oo Soomaalinimadoodii loo diiday lagana barakicyay qeyb ka mid ah Soomaaliya.

1992kii dunidu waxay u arkaysay wadahadalkii Qaramada Midoobay u abaabushay Cali Mahdi iyo Jeneraal Caydiid dadaal nabad ku soo celin kara Soomaaliya. Mabda’ ahaan aad ayay Cali Mahdi iyo Jeneraal Caydiid u kala fogaayeen. Cali Mahdi wuxuu aamminsanaa in taladu Soomaali ka dhexeyso; Jeneraal Caydiid wuxuu aamminsanaa in ururkii USC ay talada ka go’do. Khilaafkoodu wuxuu ahaa mid ururka ka dhex billowday kaddib asaaskiisii 1989kii,

Soomaaliya waxaa ka lumay ugu yaraan laba fac: ficii sagashaamadkii hanaqaaday; iyo ficii sagaashamaadkii dhashay. Burburinta keydadka qoraallada (arkiibiyada) waxay ina badday inaannu ku tiirsanaanno xusuusta siyaasiintii toddobaataandkii, siddeetamaadkii iyo sagaashamaadkii siyaasadda ku jiray, dadkaas oo badankood markay siyaasadda ka hadlayaan u hadla sida afhayeen uu Cabdilaahi Xaaji ku wareysanayo barnaamijkii Toddobaadka iyo Afrika.
Soomaalida oo Xayle Salaase Weyneysa
Soddon sano kaddib shirkii ergadii Cali Mahdi iyo Caydiid ku dhexmaray New York, Soomaaliya waxay maraysaa marxalad siyaasadeed oo uu dalku leeyahay qarannimo kala dhantaalan. Taas waxaa dheer in Soomaalidu qaadataay mabdi’ii Xayle Salaase oo ahaa in Soomaalidu reer guuraa tahay oo aysan dhul gaar ah lahayn, yeelan karin hanti ma-guurto ah. Sida Xayle Salaase iskugu dayay inuu Yurub ugu kaashado inuu hor istaago xaqa aaya-ka-talinta Soomaalida iyo xaqa hanti lahaanshaha, ayay siyaasiyiinta Soomaaliyeed (kuwa beelaha hubaysan ka dhashay) ugu tunteen xaqa qofka Soomaaliyeed hanti ugu yeelan karo ama ugu noolaan karo meel kasta oo ka mid ah dalkiisa hooyo. Eeg Muqdisho, caaasimadda Soomaaaliya, weli waa magaalo aan ka kaban boobkii iyo barakicintii sagaashamaadkii; gobollada kale Muqdisho ayay ka shidaalqaateen oo waxaa ka taliya qowlaysato ku tiirsan miliishiyo beeleed. Dekedaha Soomaaliya qaarkood waxaa la wareegay shirkado shisheeye oo aan fasax ka haysan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed; maamul federaaleedyada sida Puntland waxay shatiyo kalluumeysi siiyeen shirkado shisheeye, lacagta ka soo baxda shatiyada waxaa jeebka ku shubta siyaasiyiinta ma jiro adeeg bulsho baahsan oo ay dowladdu ku bixiso misaaniyad ku sargo’an baahiyaha jira.

Lacagtii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa waxaa ls siiyaa ciidammada nabad-ilaalinta Afrikaanka (AMISOM) waayo Soomaalidu dalkeeda kama ilaashan karaan xoogag argagixiso ah oo halis gelin kara ganacsiga adduunka markay gacanta ku dhigaan dekedaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirkii hore ee Arrimmaha Dibedda, ahna Murrashax Madaxweyne 2022ka.
Soomaaliya dhowr iyo soddon sano ayay ka hartay dalalka deriska la ah. Weli dhallinyardu waxay Soomaaliya uga qaxayaan sidii ay uga qaxayeen sagaashamaadkii. Sodddonkii sano oo ay Soomaaliya lahayd dowlad dhexe oo dalka oo dhan ka Talisa (1960kii-1991kii) waxaa talada hayay laba fac oo dhashay labaatanaadkii (1920kii) iyo afartanaadkii (1940kii) qarnigii hore. Sagaal iyo toddobaatan sano ka hor ayaa la asaasay ururkii Leegada (SYL), oo dhidabbada u taagay haybta siyaasadeed ee Soomaalida oo ah mid ku salaysan Soomaalinimo si loo dhowro xaqa qofka Soomaaliyeed.
Si uu u horumaro dal wuxuu ku tiirsan yahay maanka, iyo muruqa dhallinyaradiisa. Dhallinyarada Soomaaliyeeed ee maanta inay sii ahaadaan xaabada colaadda waxay sii dheereynaysaa rajada laga qabo in Soomaaliya ay dib cagaheeda iskugu taagto. Colaadda, ku tiirsanaanta ciidammo shisheeye iyo u lug-xirnaanta qowlaysato siyaasadeed aan lala xisaabtami karin waxay burburinayaan wax kasta oo aannu wada ilaashan jirnay salna u ah jiritaanka Soomaaliya. Ebbe ka sokow, Soomaaliya waxay sugaysaa dhallinyareeda.
Liibaan Axmad
You must be logged in to post a comment.