
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa xukunno ku ridday dhalinyaro ku eedaysan Al-shabaab oo loo haysto dilka weriye Jamaal Faarax Aaden.
Marxuum Jamaal oo Gaalkacyo lagu dilay 1-dii March 2021 waxaa mas’uuliyadda dilkiisa sheegtay kooxda Al-shabaab.
Maxkamadda ayaa dil toogasho ah xukuntay Cadde Cabdullaahi Maxamed iyo Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo ku eedaysan Shabaabnimo kadib markii ay qirteen dilka marxuumka.
Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsiyo kala duwan ku xukuntay Xasan Jaamac Maxamed iyo Maxamed Cali Axmed (Qaroon) oo ku eedaysan Shabaabnimo islamarkaana sida maxkamaddu sheegtay ka qayb-qaatay dilkii Jamaal.
Xasan Jaamac Maxamed ayaa lagu xukumay 25 sano oo xabsiya halka Maxamed Cali Axmed (Qaroon) lagu xukumay 15 sano oo xabsiya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.