Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa si ku meel gaar ah u fasaxay in gaadiidka bajaajta ay isticmaalaan laamiga dheer ee caasimadda Garoowe.
Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyay in aan leysin danbe la siin bajaaj cusub si loo xakameeyo tirada bajaajta ka shaqaysay Garoowe.
War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in sidoo kale qof da’diisu ka yartahay 18 sano aan loo ogolayn in uu bajaaj ku dhex wato caasimadda.
PUNTLAND POST