
Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), oo ku eedaysan dilka suxufi Jamaal Faarax Aaden ayaa sheegay in sixir loo isticmaalay, si uu ugu biiro Al-shabaab.
Sayloor oo wareysi kooban siiyay barnaamijka Af-meer, ayaa sheegay in lagu qanciyay lacag dhan $50 Dollar oo keliya, si uu Al-shabaab ugu biiro.
Eedaysane Sayloor, wuxu sheegay in markaas $50 Dollar ula ekaatay $2000 oo Dollar, taasina ay sixir ahayd.
“ Dee baahi konton Dollar lagu galo ma jirto, markaasna kontonka Dollar laba kun oo Dollar buu iila ekaaday” ayuu yiri Cabdiqani Sayloor.
Cabdiqani iyo saaxiibkiis Cadde Cabdullaahi Maxamed ayaa shalay toogasho ah lagu xukumay, kadib markii ay qirteen dilka marxuum Jamaal Faarax Aaden oo Gaalkacyo lagu dilay 1-dii March 2021.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.