Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa saaka ku guulaystay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo baxay kursiga Hop#138 oo saaka lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka sida weyn u mucaaradsan Villa Somalia ayaa u sharraxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
PUNTLAND POST