Sannadkii 1943 ayuu ku dhashay degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaas oo uu yaraantiisi ku soo barbaaray.
Mulaxamiiste Cabdikariin Jiir isago weli da’yar ayuu u wareegay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku biiray bahda Fanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna dadka heesa oo uu aad u jeclaa.
Bilowgii heesaa ayuu noqday, balse mudda kadib dhanka laxanka ayuu u wareegay, islamarkaana wuxuu caan ku noqday laxanka uu saaro heesaha.
In ka badan 100 heesood oo fannaaniin kala duwan qaadaan ayuu laxanka saaray, waxaana u horraysay heesaha uu laxameeyay ‘ Sabab kale ha moodine’ oo uu sameeyay abwaan Maxamed Cali Kaariye.
Heesaha taariikhda reebay uu laxanka saaray waxaa kamid ahayd Saxarla’ oo uu sameeyay Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, islamarkaana uu qaado AUN Maxamed Mooge Liibaan.
Saxarla’ oo ku jirtay silsiladdii caan-baxday ee Siinley waxa ereyadeeda kamid ahaa:
Kala saar run iyo been
Kala garo sir iyo caad
In salaaddu weligeed
Kala tahay suniyo faral
U ogoow sax iyo maan
In aad saama jiiddiyo
Sanqar-tirasho kala daa
…………………………………..
Alle ha u naxariistee, maanta ayuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo muddoyinkii dambe uu ku xanuunsanaa.
PUNTLAND POST