Jubaland oo ka dayrisay doorasho ka dhacda Garbahaarey

Jubaland ayaa sheegtay in caqabado badan oo jira awgeed aysan macquul ahayn in xiligan doorasho lagu qabto degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Hadalkan ayaa ka soo baxay shir uu guddoominiyay Madaxwene ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo labadii beri ee la dhaafay ay lahaayeen qaar ka mid ah goleyaasha Jubaland, kaas oo looga hadlay doorashada Golaha Shacabka ee taalla Garbahaarey.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in laga fakaro xal kale oo lagu qaban karo doorashada 16 kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Garbahaarey.

War-saxaadeedka shirka ayaa inta badan lagu dhaliilay dowladda federaalka iyo hay’adda NISA oo lagu eedeeyay in ay abuureen caqabadaha horyaalla doorasho Garbahaarey.

Hoos ka daawo muuqaalka war-saxaafadeedka.

PUNTLAND POST