
Raxan Libaaxyo ah oo ka yimid dhinaca waddanka Ethiopia ayaa sida la sheegayo gudaha u soo galay Puntland gaar ahaanna kaymaha ku yaalla soohdinta Mudug iyo Nugaal.
Wararku waxay sheegayaan in libaaxyadaas oo ka soo gudbay dhinaca Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka Soomaalida ay ku sii jeedaan dhulka hawdka ah ee dhaca koonfurta Gobolka Nugaal.
Libaaxa ayaa mar si weyn u joogi jiray kaymaha hirrigta ah ( jiq) ee koonfurta Gobolka Nugaal inkastoo burburkii Soomaaliya kadib aan lagu arkin dhulkaas.
Muudaa (dool) waa libaaxa socodka badan ee meelaha fog isaga gudba islamarkaana guur-guura.
Libaaxa oo lagu tilmaamo Boqorka Kaynta waxa labkiisa la yiraahdaa Aar halka dheddigiisa loo yaqaan Adan dhashiisana Caga-baruur.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.