
Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka.
Sidoo kale waxay ka wada-hadleen arrimaha , Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.