
Laba kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abukar Jacfar ayaa ku guulestay kursiga Hop 025, kaddib markii musharraxi la tartamayay oo ahaa Xasan Cali uu u tanaasulay, iyadoo si gacan taag ah erga gaareysa 100 ay ku ansixiyeen.
Kursiga kale ee isna maanta la doortay waxaa ku guuleysatay Cadar Maxamed Cali, kaddib markii ay u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabey.
Dhinaca kale,waxaa guddiga doorashada Galmudug ay dib u dhigeen doorashada saddex kursi, kuwaas oo ay ka jiraan caqabado ay ka mid yihiin habraaca doorashada iyo kootada haweenka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.